PSG Oo Laga Badiyay Kulankoodii Ugu Horeeyay Xilli Ciyaareedka & Cashar Weyn Oo Loo Dhigay…
Paris Saint-Germain ayaa laga badiyay kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedka iyadoo Lens ay soo yareysay farqiga hogaanka Ligue 1 oo ay ka dhigeen kaliya afar dhibcood.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi xamaasadeysan ka dib markii ay Lens dhaliyeen goolkoodii ugu horeeyay shan daqiiqo markii ay ciyaarta socotay.
Massadio Haidara ayaa kubad u celiyay Frankowski oo shabaqa ku hubsaday ciyaartana ka dhigay 1-0.
Hogaanka Lens aysan waarin iyadoo seddex daqiiqo ka dib uu Hugo Ekitike u barbareeyay PSG. Weeraryahanka da’ yar ayaa kubada kaga hormaray goolhayaha Lends Brice Samba islamarkaana toogtay shabaq maran.
Lens ayaase sii wadatay raacashadeeda degdega ah iyagoo u ogolaan waayay ciyaartoyda PSG meel ay ku neefsadaan oo ay kubada isla helaan.
Kooxda Lens ayaana ogaanka u qabatay ciyaarta markii uu Lois Opends si caqliyaysa uga tagay Marquinhos ka hor inta uusan kubada ka hoos bixinin goolhaye Gigi Donnarumma.
Kooxda martida loo ahaa ayaa qeybtii labaad xamaasad ku ciyaartay mar kale waxayna bilowgiiba heleen goolkoodii seddexaad.
Seko Fofana ayaa kubad ka soo ceshtay PSG ka hor inta uusan quudinin Lois Openda kaasoo isna cirib u dheeray Alexis Claude-Maurice oo xaqiijiyay goolka. PSG inkastoo weerarkooda ay xoojiyeen hadana waxa ay waayeen meel ay ka baxaan halka Lens ay guul taariikhi ah ka gaareen PSG.