GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
PSG Iyo Real Madrid Oo Weerar Ku Ah Man United…
Real Madrid ayaa xiisaynaysa da’yarka garabka weerar ee Man United ee Alejandro Garnacho. (Revelo – in Spanish)
Real Madrid suuqa January ma qorshaynayso inay wax dalabaad ah ka gudbiso Garnacho, Rafael Leao (AC Milan) iyo Cody Gakpo (PSV) midkoodna. (Marca)
AC Milan ayaa ugu dambayn January u qabanaysa Rafael Leao si uu heshiis cusub ugu saxeexo. (Calciomercato – in Italian)
Jude Bellingham wuxuu u sheegi doonaa kooxdiisa Borussia Dortmund inuu bixitaan doonayo kaddib koobka aduunka, aabaha Bellingham ayaa wiilkiisa Liverpool la doonaya halka Real Madrid iyo Man City dhinacooda ka xiisaynayaan. (Sport Bild, via Mail)
Manchester United ayaa ka shaqaynaysa heshiis xor ah oo ay Borussia Monchengladbach kala saxeexato goolhaye Yann Sommer. (ESPN)