Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Pep Guardiola Oo Ka Baqaya In Arsenal Gaadho Rikoodhkii Cajiibka Ahaa Ee Man City Ka Samaysay Horyaalka Premier League…
 Pep Guardiola Oo Ka Baqaya In Arsenal Gaadho Rikoodhkii Cajiibka Ahaa Ee Man City Ka Samaysay Horyaalka Premier League…
Wararka

Pep Guardiola Oo Ka Baqaya In Arsenal Gaadho Rikoodhkii Cajiibka Ahaa Ee Man City Ka Samaysay Horyaalka Premier League…

by Raad Raac January 5, 2023 19 0 Comment

AA

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa sheegay inuu ka baqayo in Arsenal ay barbarrayso rikoodhkiisii horyaalka Premier League, isla markaana Gunners ay ku guuleysato horyaalka xilli-ciyaareedkan socda.

Manchester City oo u dagaallamaysa in snanadkii saddexaad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato horyaalka ayaa waxay Khamiista habeen dambe ballansan yihiin Chelsea, haddii ay guuleystaanna waxay shan dhibcood u jirsan doonaan Arsenal, haddii se laga badiyo waxa hoggaanka lagaga hayn doonaa siddeed dhibcood.

Guardiola ayaa waxa uu sheegay inuu la dhacsan yahay waxyaabaha uu ka arkayo kooxda tababare Mikel Arteta ee Arsenal, waxaana uu qirtay inuu ku jiro dareen ah inay horyaalka ku guuleysan doonaan iyaga oo waliba barbarraynaya rikoodhkii 100ka dhibcood ee Man City.

Sida lagu yaraynayo farqigu waa in si fiican loo ciyaaro oo lagu guuleysto ciyaaraha. Laakiin Arsenal waxay gaadhi doonaa 100 dhibcood ama ka badan marka la eego sida ay illaa hadda yihiin. Haddii ay sii wadaan, ma soo qaban doono. Ayuu yidhi Pep Guardiola. Tababaraha Man City oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey:  Waa in aanu noqono kuwo sax ah oo guuleysta laga bilaabo halkan illaa dhamaadka xilli ciyaareedka, sababtoo ah waxa aanu rajaynaynaa in dhibcaha ay luminayaan ay yaraan doonaan, tusaale ahaan, shalay heersare ayay ahaayeen. Waynu arki doonaa waxa dhaca.

 

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 26

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.