Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Man United ee Paul Pogba ayaa dabka ku shiday wararka la xidhiidhinaya kooxda Juventus isaga oo Halyeeyga Juventus ee Claudio Marchisio u diray Fariin ah “Haye, halka ku xigta waa Turin”.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay ku laabashada Juventus oo uu ka tagay sanadkii 2016 waxana uu heshiiskiisa Man United dhici doonaa xagaaga dambe.

Mustaqbalka Pogba ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa isaga oo aan ilaa haatan wax heshiis ah u saxiixin kooxda Man United lana xidhiidhinayo ku laabashada Juventus xagaagan.

Xiddigii hore ee Juventus Marchisio ayaa baraha bulshada kula sheekaystay xiddiga Pogba waxana uu qoray”Waxa aan kaaga baahanahay Turin, halkaas ku laabo”.

Pogba ayaa ugu jawaabay”Halke Halkayga xigta waa Turin”a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here