PAUL PERSON OO SADAALIYAY KULUMADA TODOBAADKAAN
Khabiirka kubadda cagta England ee Paul Merson ayaa saadaaliyay kulamada Premier League ee Sabtida berri ah bilaabmaya, wareegan ayay ku jiraan ciyaaraha xiisaha badan ee Liverpool v Chelsea iyo Arsenal v Man United.
Ugu horreynba kulanka Anfield ee Liverpool v Chelsea ayuu qabaa in barbardhac lagu heshiin doono, labada kooxood ayaa min 28 dhibcood leh oo labadaba xaaladu ku xun tahay xilli ciyaareedkan.
Merson ayaa qaba in kooxda booska labaad ku jirta ee Man City ay xasuuqi doonto Wolves oo kusoo booqanaysa Etihad Stadium cadaadiskana kusii hayn doonto Wolves.
Kulanka ugu xiisaha badan toddobaadka ee Emirates Stadium ku dhex maraya Arsenal iyo Man United ayuu qabaa in hoggaamiyayaasha horyaalka ee Gunners ay ka aarsan doonaan Red Devils guulna ka gaadhi doonaan.
Merson ayaa natiijo kale oo qalbi jab leh u saadaaliyay Tottenham iyo tababare Antonio Conte isagoo u rajeeyay inay dhibco lumin doonaan ciyaarta ay booqanayaan kooxda wakhtiga fiican ku jirta ee Fulham.