Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. PASSPORKA DALKA SOMALIYA RUUXA WATA WAXA UU HELAYAA 25 DAL FIISAHOODA
 PASSPORKA  DALKA SOMALIYA RUUXA WATA WAXA UU HELAYAA 25 DAL FIISAHOODA
Wararka

PASSPORKA DALKA SOMALIYA RUUXA WATA WAXA UU HELAYAA 25 DAL FIISAHOODA

by Fitaah Diinle January 26, 2023 32 0 Comment

AA

Hayโ€™adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa laโ€™aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

  • Bangladesh
  • Burkina Faso
  • Burundi
  • Cambodia
  • Cape Verde
  • Comoros
  • Itoobiya
  • Ghana
  • Guinea-Bissau
  • Laos
  • Lubnaan
  • Macao (SAR China)
  • Madagascar
  • Maldives
  • Mauritania
  • Mozambique
  • Nigeria
  • Palau
  • Rwanda
  • Samoa
  • Senegal
  • Seychelles
  • Timor-Leste
  • Togo
  • Tuvalu

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

Baasaboorrada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan oo keliya ayaa ka hooseeya baasaboorka Soomaaliya oo ku jira kaalinta 103-aad.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.

Waddamada aan wax visa ah uga baahneyn qofka baasaboor Soomaaliga wata ayaa kala ah Benin, Gambia, Haiti, Dominica, Cooc Islands, Malaysia, Micronesia, Niue iyo Saint Vincent and the Grenadines.

Dalal badan oo ku yaalla Yurub iyo Ameerica ayaan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya, iyagoo marka ay visa siinayaan qofka Soomaaliga ah warqad gaar ah ugu caddeeya halkii ay baasaboorkiisa ugu dhajin lahaayeen.

Ilaa hadda Afar dal oo ku yaalla Yurub oo kala ah Talyaaniga, Swden, Norway iyo Belgium ayaa visa ku dhajiya baasaboor Soomaaliga oo ay si buuxda u aqoonsan yihiin.

Ardayda Soomaalida ah ayaa culeys weyn la kulma marka ay damcaan in ay Jaamacado dibadda ku yaalla wax kasoo bartaan.

Mustaf Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax barashada u doontay dibadda ayaa BBC-da u sheegay in uu la kulmay caqabado badan.

โ€œMarkii aan isku dayay inaan raadsado deeq wax barasho oo dibadda ah waxaa la ii sheegay in baasaboorka Soomaaliga ah ee aan heysto uu ka duwan yahay sharciyada kale, ayna adag tahay in lagu helo deeq wax barasho. Waxay iga qaateen lacag si ay howsha codsiga iigu fududeeyaan,โ€ ayuu yiri Mustaf.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.