Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Pakistan oo Soomaaliya u ballan-qaadday in ay ka taageereyso daadejinta nidaamka Federaalka & Waxbarashada.
 Pakistan oo Soomaaliya u ballan-qaadday in ay ka taageereyso daadejinta nidaamka Federaalka & Waxbarashada.
National vector fabric wave flags of Pakistan and Somalia isolated on white background. 1 to 2 proportion.
Wararka

Pakistan oo Soomaaliya u ballan-qaadday in ay ka taageereyso daadejinta nidaamka Federaalka & Waxbarashada.

by Maxamed Ajiib December 26, 2022 7 0 Comment

AA

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka gacansiineyso in ay ka taageerto dhinacyada ballaarinta nidaamka Federaalka si loo xoojiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, diiwaangelinta Muwaadiniinta & fursadaha Waxbarashada.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan oo ka hadlay Munaasabad lagu qabtay xarun dhaqanka lagu soo bandhigo isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macalin Fiqi & Xubno katirsan Wasaaradda Caddaaladda & Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in Islamabad ay taageero xooggan la garab-taagan tahay Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay Pakistan ka heleyso waaya-aragnimo ku filan oo ah dhanka Caddaaladda, Dastuurka, Nidaamka Dowlad-Goboleedyada & Waxbarashada iyada oo lagu lifaaqayo xiriirka faca weyn ee labada dal ka dhaxeeya.

Qamar Zaman Kaira oo ah Wasiirka Arrimaha Kashmiir iyo Degaanada Waqooyi ahna Wasiirkii hore ee Warfaafinta Pakistan ayaa sheegay in dhalinyaro Soomaali ah ay fursado waxbarashado ka heleen dalkiisa kana faaiideysteen.

โ€œHannaanka Hagaagsan ee Dimuqraadiyadda Pakistan waa hab Soomaaliya wax ka baran karto sidii ay u heli lahayd waaya-aragnimo, taageero buuxda ayaan ka siineynaa Soomaaliya in ay horumar ka sameyso dastuurka & dhismaha Dowlad wanaaggaโ€ย ayaa yiri Qamar Zaman Kaira.

Pakistan & Soomaaliya waxa ay xubno ka yihiin Ururka Waddamada Islaamka, Islamabad & Muqdisho waxa ay ku ballameen in la xoojiyo taageerada dhanba dhanka kale uu uga baahan yahay si loo xoojiyo cilaaqaadkooda.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.