Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Niyd Jab Kooxda Liverpool…
 Niyd Jab Kooxda Liverpool…
Cayaaraha

Niyd Jab Kooxda Liverpool…

by Raad Raac January 8, 2023 10 0 Comment

AA

Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis ah wareega 3aad ee FA Cup ka dib markii ay barbaro 2-2 kala kulmeen kooxda Wolves oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Labo qalad uu sameeyay goolhaye Alisson ayaa ka caawisay Wolves inay shabaqa ka soo taabato Liverpool halka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ay labada gool u dhaliyeen Reds iyadoo VAR ay goolka guusha ka diiday Wolves dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in kulan ku celis ah ay labada kooxood ku dheeli doonaan garoonka Wolves taasoo dhabarjab ku ah tababare Jurgen Klopp oo kulan dheeri ah ciyaarsiinaya kooxdiisa xilli kulamada xilli ciyaareedka ay durba ciriiri yihiin.

Liverpool ayaa si qalqal ah ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Joel Matip uu halis u galay inuu kooxdiisa fursad ka dhiibo, laakiin taasi cashar kama aysan baranin iyadoo Wolves ay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26aad.

Goolhaye Alisson ayaa sameeyay qalad weyn ka dib markii baas loo soo celiyay uu isna u dhigay Guedes oo ka mahadceliyay hadiyada islamarkaana shabaqa faaruq ah toogtay.

Liverpool ayay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 45aad inay ciyaarta barbareyso, waxaana ugu danbeyn shabaqa soo taabtay Darwin Nunez kaasoo kulamadii ugu danbeeyay ay inkaar ka heysata goolka inkastoo uu helayay fursado badan oo waa weyn.

Alexander-Arnold ayaa kubad u dhigay Nunez kaasoo aan ka labalabeynin inuu shabaqa meel gees ah ka toogto, waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Bilowgii qeybta labaad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii ugu horeysay iyadoo Cody Gakpo oo ciyaaray kulankiisii ugu horeysay uu kubad u qaaday Mohamed Salah laakiin daafaca Wolves ayaa kubada difaacan waayay taasoo keentay in Salah uu ka faa’ideysto oo uu shabaqa ku shubo.

Wolves ayaase ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii daqiiqadii 67aad  iyadoo mar kale uu qalad sameeyay goolhaye Alisson oo habeen fiican aysan u aheyn. Kubad uu Cunha soo dhigay ayay Liverpool iska bixin weysay waxaana taabtay Hwang iyadoo Alisson ay si sahlan uga hoos baxday.

Daqiiqadii 82aad Toti ayaa mooday inuu hogaanka u dhiibay Wolves ka dib markii uu kubad macaan ka dhaliyay Alisson laakiin goolka waxaa loo diiday offside dhacay ka hor taabashadii Toti.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxayna niyadjab ku tahay Liverpool oo kulan dheeri ah ciyaareyso madaama ku celiska kulankaan lagu dheeli doono garoonka Wolves.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.