MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
Netherlands vs Argentina: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Koobka Adduunka.
Xulalka Netherlands iyo Argentina ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan 8 dhamaadka koobka adduunka.
Xulka Argentina ayaa doonaya in ay gaadhaan ilaa final-ka tartanka xilli uu Lionel Messi ciyaarayo koobkiiisii ugu dambeeyay ee adduunka.
Dhinaca kale Xulka Netherlands oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira koobka adduunka ilaa haatan ayaa doonaya in ay sii wadaan guulaha xidhiidhka ah.
Kulanka: Netherlands Vs Argentina
Tartanka: Koobka Adduunka
Wakhtiga: 10:00
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankan ayaa noqon doona midkii 6-aad ee dhexmara xulalka Netherlands iyo Argentina koobka addunka, Kaliya Brazil Vs Sweden (7) iyo Argentina Vs Germany (7) ayaa ka badan in ay kulmaan.
Netherlands ayaa laga badiyay kaliya hal ka mid ah 9-kii kualn ee ay la ciyaareen Argentina tartamada oo dhan iyada oo guuldaradaas ahayd Final-kii koobka adduunka ee 1978.
Labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kobka adduunka ee dhexmaray xulalka Netherlands iyo Argentina ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah.
Netherlands ayaa u gudubtay wareega xiga 3-dii koob adduun ee ugu dambeeyay iyada oo guuldaradii kaliya ahayd ee wareegan ay la kulmaan ay dhacday 1994 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Brazil.