GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MW Putin oo Ukraine & Dalalka la safan ku eedeeyay in ay diidan yihiin wadahadal ay la galaan Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu eedeyn kala dul-dhacay Madaxda Ukraine & kuwa reer Galbeedka ah ee la safan Dalkaas isaga oo dusha ka saaray in ay diidan yihiin wadahadal lala galo Dalkiisa.
Putin ayaa tilmaamay in Dalkiisa uu doonayo in wadahadal lala galo Xukuumadda kyiv iyo waddamada reer Galbeedka ee garabka siinaya si loosoo afjaro dagaalka waqti dheeraaday ee billawday 24kii Febaraayo 2022 balse dhinacyadaas dhega ka fureysteen.
Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in waddankiisa uusan marnaba ka qoomameyneen duullaanka uu ku qaaday Ukraine isagoona difaacay amarkaas uu bixiyay ee sababay dhimashada, dhaawaca, barakaca & burburka.
Madaxda Reer Galbeedka ayaa Ruushka ku sheegay in khasaara xooggan uu kala kulmay duullaanka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022 kana geeriyoodeen saraakiil muhiim ah halka uu kordhay cadaadiska gudaha.
Ruushka ayaa dib isaga baxay magaalooyin uu heystay billooyinkii u dambeeyay, waxaana kamid ah Gobollo uu sheegay in uu ku darsaday dalkiisa kaddib markii afti uu ka qaaday dadka degenka balse waxaa gaashaanka ku dhuftay Xukuumadda Kyiv.