Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Kooxo Abaabulan oo Hurinaya Xaaladda Laascaanood….

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka Dib Markii Denmark Lagu Gubay Kitaabka Quraanka Ah…

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka…

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

  1. Home
  2. Wararka
  3. Muxuu Yahay Nuxurka Heshiidka Dhinaca Hawada Ah Ee Somaliya La Sexeexatay Ethopia?
 Muxuu Yahay Nuxurka Heshiidka Dhinaca Hawada Ah Ee Somaliya La Sexeexatay Ethopia?
Wararka

Muxuu Yahay Nuxurka Heshiidka Dhinaca Hawada Ah Ee Somaliya La Sexeexatay Ethopia?

by Raad Raac January 13, 2023 8 0 Comment

AA

Todobaadkan gudihiisa waxa uu heshiis dhinaca gaadiidka cirka khuseeyaa ku dhex maray huteelka Skylight ee magaalada Addis Ababa, Ethiopia, labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhinaca Soomaaliya waxa weftiga hogaaminaysay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, waxaana heshiiska u saxeexay, Maareeyaha hay`ada duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan.

Dhinaca Ethiopia waxa matalaysay Wasiirka wasaarada Gaadiidka Mrs Dagmawi Moges, waxaana heshiiska u saxeexay, Maareeyaha hay`ada duulista rayidka Ethiopia Mr Getachew Mengiste.

Sida lagu baahiyey boga hayada duulista rayidka Ethiopia, qodobada heshiiskan waxa ka mid ah in Ethiopian Airlines ay si xor ah ugu duuli karto garoon kasta oo ka mid ah Soomaaliya (route), maalinta iyo wakhtiga ay doonto (frequency),  ay isticmaali karto nooca diyaarada ay doonaan (Equipment), sidoo kalena ay dadka ka qaadi doonto lacagta ay doonto (fare). Taa macnaheedu waxa weeye ma jiro wax shuruudo ama dabar ah oo ku xidhan duulimaadyada gudaha Soomaaliya ee shirkada Ethiopian Airlines.

Sidaana waxa xaqiijisay, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Marwo Fardowsa oo sheegtay, in Ethiopian Airlines ay tahay shirkada diyaaradeed ee kaliya ee fasax aan xad lahayn loo siiyey!

Intaa kuma dhama heshiisku, balse sida lagu faafiyey boga hay`ada duulista rayidka ee Ethiopia, waxa ay Soomaaliya u ogolaatay shirkada Ethiopian Airlines waxa loo yaqaano xoriyada 5naad “fifth freedom” oo macnaheedu yahay in Ethiopian Airlines ay si toos ah rakaab uga qaadi karayso garoon kasta oo ku yaala gudaha Soomaaliya una duuli karto dal/magaalo kale oo aan Ethiopia ahayn sida Dubai, Nairobi, Istanbul, Djibouti oo kale iyada oo aan sii marin Addis Ababa (laakiin waa in uu dalkaa 3aad ogolaado heshiiskan).

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Somaliland oo Dacwad ka Gudbisay Kooxo Abaabulan

by Raad Raac January 28, 2023 4

Daladda Ururrada Qurbe-joogta Reer Somaliland, ayaa Baaq ka soo saaray Xaaladda ka taagan Magaalada

Wararka

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka

by Raad Raac January 28, 2023 1

Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya,

Wararka

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah

by Raad Raac January 28, 2023 3

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa shaacisay arrin halis ku ah shacabka Somaliland oo daawooyinka la

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.