Muuse Biixi Oo Shir Gudoomiyay Kulan Ay Yeesheen Gudida Fulinta KULMIYE..
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, ahna Gudoomiyaha xisbi xaakimka KULMIYE ayaa maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 11-12-2022 waxa uu shir gudoomiyey Shirkii Billaha ahaa Ee Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE.
Waxaana shirkaa lagu lafo-guray arrimaha Wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha iyo U-diyaargarawga Doorashooyinka.
Maanta ayaanu Muuse Biixi soosaray xeer madaxwayne oo ku sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinku dalka ka qabsoonto bishan aynu ku jirno aakhirkeeda.
Welina waxaa dalka ka taagan khilaaf ka dhashay arimaha doorashooyinka oon weli xalkiisa la helin