Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Muuse Biixi Oo Markale Shaaciyay Doorashada Soo Horaynaysa & Aamusnaata Komishanka Doorashada…
 Muuse Biixi Oo Markale Shaaciyay Doorashada Soo Horaynaysa & Aamusnaata Komishanka Doorashada…
Wararka

Muuse Biixi Oo Markale Shaaciyay Doorashada Soo Horaynaysa & Aamusnaata Komishanka Doorashada…

by Raad Raac December 16, 2022 10 0 Comment

AA

Ex Madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farriin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta dalka kusoo foolka leh u diray, axsaabta, ururrada siyaasadda iyo shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqa in si milgo iyo xilkasnimo leh loogu diyaargaroobo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka midda ururradu ugu soo horrayso ee dalka ka qabsoomi doonta sannadka soo socda ee 2023-ka.

Sannadkan soo socda ee 2023-ku Insha Allah wuxu noqon doonaan sannad doorasho, laba doorasho iyo diiwaangelin baa isu-keen daba yaalla. Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 28-ka Bishan, Qarankana guud ahaan waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ka lumay ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa.

Muuse Biixi oo hadalka siiwata ayaa intaasi kudaray, “Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona ee 13-ka ah waxa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda, qorshahooda iyo ficilkoodaba inay yihiin dad waayeel ah oo u bisil dalkan hoggaamintiisa oo wax lagu farxo mooyaane wax laga naxaa aanu addinkooda iyo afkooda midna ka muuqan si aynu uga baxno xaaladihii hore ee barbarashada Dimuqraaddiyadda, Kaambaynka iyo axsaabta oo aynnu ka qaadannay inta ugu adag.  ayuu yidhi ex. madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Weli waxa Somaliland ka taagan muranka ka dhashay ta soo horaynaysa labada doorasho,  waxaanay xisbiyada mucaaradku aaminsanyihiin inay soo horaynayso doorashada ururada halka Muuse Biixina ku adkaysanayo inay soo horaynayso doorashada Madaxwaynuhu, Komishanka doorashooyinka oo shaqada doorashada iska lihina weli may cadayn ta soo horaynaysa

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.