MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
Musuqmaasuq Lagu Soo Eedeye Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub..
Waxaa jimicihii ina soo dhaafay ay booliska waddanka Belguim-ku ay qabteyn Todoba Ruux oo lagu soo eedeyey Musuqmaasuq kuwaas oo ay ka mid Aheyd Madaxweyne ku xigeynka xisbiga Lagu Magacaabo (Sozialdemokratischย Group ee Leh xubnaha ugu Badan baarlamanka EU-d)ย ahna Madaxweyne ku xigeynka Baarlamanka , Gabadha Lagu Magacaabo ย Eva Kaili ย iyo Lix qof oo kale ayaa la soo sheegay in ay ku faro leeyihiin Musuqmaasuq iyo ururo kale oo ka shaqeya Lacagaha Madow, Siday qoreyso warbaahinta Dalka Jarmalku , ayaa waxa arintan ka Hadashey Madax Komishanka Midawga yurub uguย sareysa waa “Ursula von der leyen” iyadoona u xilsaartey in ay Golaha Anshax ee Baarlamaanku si fican arintan u eeganย ka dhanka ah Madaxweyne ku xigeynka iyo dadka kalee lagu soo eedayey,ย siย ay ula socodaanย Eedeymaha musuqmaasuq ee ka dhanka Ah Baarlamaanka Dimuqraadiga ah ee Dawladaha Qaaradda Yurub, .
Iyadoo hadalka sii wadatana waxay tiri , Arintani waa mid aad u daran “Aad iyo aad ugu Daran” Midowga iyo Dimuqaraadiyada yurub , taas oo aanu rabno in aanu gaadhsiino Meeshaย ugu Sareeeysa. waa ceeb nala soo Daristay oo u baahan in si adag looga tashado, Madaxbanaanida iyo hore-usocodkuna uu u ahaado mid laga wada shaqeeyo.
xafiiskaย waxa lagu soo eedeeyaa musuqmaasuq, dhaqidda lacagaha, samaysashada urur dambiileyaal ah iyo isku dayga in uu saamayn ku yeesho Gudaha. Sida ay sheegtay wareegtooyinka garsoorka, Kaili way ka baxsan kari weyday xariggeeda inkastoo ay baarlamaanku difaac ka gaysteen, maadaama lagu qabtay gacan-qaadyo Halisa, sida ay wakaaladda wararka ee AFP sheegtay.
Maalmihii ugu danbeyey wax la Baadhay lix iyo Toban guri oo ku yaala Magaalada Brussal, waxaana lala wareegay Lacag gaadhaysa ‘600,000 kun oo Yuuro.
Afar qof ayaa la xidhay oo ay xeer-ilaalinta dalka Belgiumku ku soo oogtay Dacwad ka dhan oo lagu lifaaqayo eedeymo Musuqmaasuq. kuwaas oo ay ka Mid tahay xildhibanada Giiriga ah ee “Kaili” ee ka ah baarlamanka ku Xigeeynka.
Warkan oo aanu ka soo xiganey, Tv-ga kowaad ee Waddanka Jarmalka”ARD1″ Ayaa intaa ku daraya , In Gudoomiyaha Baarlamaanku “Maltese RobertMetsola” Uu shaqadii ka eryey Dhamaadkii Todobadkii hore, Sidoo Kaleย waxaa laga hakiyey Xubinimadiiย Ay ka haysay xisbiga S&D Group Ee Hantiwaddaaga Ah, Waxaanu Maamulka Dalka Giriigu uuย ย wadda xanibey Dhamaan Hantidii “Eva Kaili” Tallaabadan Ayaa xataa sameyn weyn ku yeelaneysa Qoyska ay ka soo jeedo waa Siday sheegtay Hayโadda La dagaalanka Musuqmaasuquye.
Doorkee ayay Qatar ka ciyaartay?
Dhowr biloodba baadhayaashu waxay ka shakiyeen in dowlada Khaliijka ay “saameyn ku leedahay go’aannada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee baarlamaanka Yurub,” sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Ujeedadaย Dacwadanย ayaa lagu sheegay in lacago badan la siiyay , ama lagu Macsuumay haddiyado qaali ah oo la siiyey dadka go’aanada ka dhex sameynayey ee baarlamaanka ka midka ahaa. Dambi-baadhayaasha ayaa wakaaladda wararka ee DPA u xaqiijiyey in waddanka khaliijka uu Qadar yahay .
Kaili ayaa ka mid aheyd wafdigii loo xilsaaray inay ballaariyaan xiriirka Midowga Yurub uu la yeelanayo gacanka Carabta. Waana taas sababta ay Qatar ugu safartay wax yar ka hor bilowga koobka adduunka.
Bishii November, waxay soo jiidatay dareenka xilli uu baarlamaanku ka hadlayay qaraar la doonayo in lagu dhaleeceeyo Koobka Adduunka ee Qadar laga wado. Waxay ku sifaysay waddanku in uu yahay Mid hormood u ah sharciga shaqaalaha: Koobka Aduunka wuxuu cadeyn u ahaa “in diblomaasiyadda ciyaaraha ay isbeddel taariikhi ah ku keeni karaan waddan ay isbeddel taariikhi ah ku yimaadaan waddan ay dhiirigelisay dunida Carabta”. Waxay kaloo ku cawday in cid kasta oo la hadashaa Qatar ay tahay qof lagu tuhmayo musuqmaasuq.
Markii Guddiga Arrimaha Gudaha ay u codeeyeen sharciyada fiisooyinka ee Qatar iyo kuwa dalalka kale u degsanย bilowgii bishii Decembar, ‘kaili’ ayaa iyaduna ka qeybgashay, inkastoo ay iyaduna xubin ka ahayn guddiga โ taas Layaab ku noqotay kooxdii baarlamaaniga aheyd ee loo xilsaarey . Sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka, waxaana suurogal ah in xildhibaannada aan xubnaha ka ahayn lagu beddelo. marka ay codeynayaan. Si kastaba ha ahaatee, ku xigeenka baarlamaanka SPD-da ee Katarina, ayaa u sheegtay ZDF ย iyadoo leh, Waxa ay fadhiisatay dhabarka halkaas oo sida caadiga ah ay iska fadhiistaan shaqaale kaleย oo wey ka fogeed kooxdeena baarlamaaniga ah. Waxa kale oo aan dhihi kartaa: Way dhuumanaysay
Waa tuma Eva Kaili?
waa Xubin ka mida Xisbiga Socialdemokrateriga ย oo waa 44 jirย markeedii horeba bartay arimaha dhismaha ย Architecture ย kadibna waxa ka shaqeeysay
warbaahinta dalka Giriiggaย gaar aah ย AH MEGA TV” Laga soo bilaabo 2007 ilaa 2012 waxay ahayd xubin ka tirsanaa baarlamaanka Greek, kadibna waxay ka shaqeyn jirtay la taliye Baarlamaanka. Waxay xubin ka aheyd baarlamaanka Yurub tan iyo 2014 kii waxayna ka mid ahayd 14 ka ku xigeen ee madaxweynaha baarlamaanka Midowga Yurub Roberta Metsola mid ahaan.
Dhammaan dadkaย Hawshan ku shaqada leh , ayan si cad loo ogayen. Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in la xidhay saaxiibkeed oo ah faransiiska -Talyaani laguna Magacaabo “Francesco Giorgi. ย ย oo horey u ahaan jiray kaaliyaha baarlamanka isla markaana ku takhasusay arrimaha xuquuqda aadamaha iyo arrimaha dibedda in la la xidhay. Waxay leeyihiin gabadh yar oo laba jir ah.
marka laga soo tago Giorgi, waxaa sidoo kale la xiray kuxigeenkii hore ee talyaaniga Antonio Panzeri. Waa aasaasihii hayสผada aan dawli aheyn oo la dagaallanta isla xisaabtan la’aanta iyo Musuqmaasuqa, isagoo sheegta in uu u dagaalamayo xuquuqda aadanaha iyo musuqmaasuqa caalamka oo dhan.