Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Musuq Maasuq Baahsan Oo Dul Hoganaya Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Xadiga Lacagta La Raadinayo…
 Musuq Maasuq Baahsan Oo Dul Hoganaya Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Xadiga Lacagta La Raadinayo…
Wararka

Musuq Maasuq Baahsan Oo Dul Hoganaya Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Xadiga Lacagta La Raadinayo…

by Raad Raac December 14, 2022 9 0 Comment

AA

Musuq Maasuq Baahsan Oo Dul Hoganaya Wasaarada Maaliyada Somaliland Iyo Xadiga Lacagta La Raadinayo 

 

Afartii sano ee u danbeeyay, Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda waxa ku jiray Madaxa Dawaynta iyo Caafimaadka Shaqaalaha halkee la mariyay ?
2019: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2020: 3,500,000,000 ($ 583,334 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2021: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
2022: 4,000,000,000 ($ 666, 667 marka la raaco sarrifka bangiga dhexe oo $1 = sl shln. 6000)
Marka laga tago Lacgta ku jirtay Miisaaniyadda, Saddexdii sano ee u danbeeyay waxa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda si joogta ah ah looga jaraayayaanay lacagtaasi lacag lagu sababeeyay in ay tahay Sanduuq lagu Taakulaynaayo Shaqaalaha Xanuunsansada ama dhibi soo gaadho, yaa laga Taakuleeyay lacagtaa? 3 Sano imisa Shaqaale ah ayaa laga caawiyay? maxaa loogu baahday lqcagta dheeraadka ah ee Shaqaalaha lagu wargeliyau in laga jaraayo Sannadka cusub?
Tusaale ahaan: Darajada A: mushaharkiisa: 2,850,000. Lacagta laga goostay: 20,000 SLSH, Tirada Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda waa 2000 oo Shaqaale ah. Haddii aynu ka soo qaadno celcelis ahaan 1,500 oo Shaqaale oo bil walba laga goosanayay 20,000 SLSH, Bishii waa 30,000,0000 Milyan. Sanadkii waa 360,000,0000 Milyan. 3 dii sano na waa 1 Bilyan iyo 80 milyan oo u dhiganta $180,000.
Waxa intaa dheer, wiigii hore waxay wasaaradda maaliyaddu shaqaalaha mobiladooda ugu direen farriin telesom ah iyaga aragti ka dalbanaya oo leh waxan idiin samaynaynaa sanduuqa daryeelka shaqaalaha oo bil walba laga goynayo mushaharkooda lacagta hoos ku xusan:
Darajada A: 30,000 SLSH
Darajada B: 20,000 SLSH
Darajada C: 10,000 SLSH
Darajada D: 5000 SLSH
Ujeedka ay Shaqaalaha ugu direen farriintu waa si maamulka ka hooseeya Wasiirka ay ugu qanciyaan in ay Shaqaalaha ka soo qaadeen afti oo ay ogolyihiin in laga jaro lacagta. Ugu horreyn, madaxda wasaaraddu waxay shaqaalihii ka dalbadeen aragtidooda hadana may samaynin meel ay aragtidooda ku soo gudbiyaan. Message ka ay telesom u so dirtay shaqaalaha laguma celin karo farriin.
Marka labaad, lacagihii hore looga goosan jiray ayaan la garanayn meel ay martay oo ay ahayd in la is waydiiyo halkii ay martay. Marka saddexaad, waxa dalka ka jira sixir barar. Halka ay ahayd in shaqaalaha loo kordhiyo mushaharka, may ahayn in laga goosto lacag aan lagu soo celin doonin shaqaalaha.
Marka afraad, in si fudud loo qaato qaadato xaqa shaqaalaha, adduunka na waa u cuqubo, aakhirana u cadaab.
Tako soo jeedin:
1. In lacagtii laga goosan jiray shaqaalaha la galiyo Audit si loo ogaado xaga ay martay.
2. In shaqaalaha loo soo celiyo 20 tii kun ee laga goosan jiray mushaharkooda 3 dii sano ee u danbeeyay.
3. In aan lacag kale laga goosan shaqaalaha maadaama oo uu dalka ka jiro sixir barar isla markaana ay ugu jirto miisaaniyadda qoondada daryeelka shaqaalaha.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 32

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.