Munaasabadda dhagaxdhigga mashruuca dhismaha xarunta maamulka degmada Shabeelley oo qabsoomay maanta .
Munaasabadda dhagaxdhigga mashruuca dhismaha xarunta maamulka degmada Shabeelley ayaa ka qabsoomay degmadaasi.
Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, guddoomiyaha gobolka Faafan, guddoomiyaha degmada Shabeelley iyo shacab-weynaha degmada.
Mashruucan oo ka kooban dhismaha 5 xafiis ayaa ah mid ay ku baxayso miisaaniyad dhan 57 milyan oo birr, islamarkaasina laga faa’iidayo bilic iyo inuu siiyo bulshada degmada adeeg ka ballaadhan sidii hore dhismahan ayaa dhinaca kale intuu socdo laga faa’iidi doonaa shaqo-abuur.