Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Morocco oo Markii ugu Horraysay ugu Gudubtay Wareegga 8 Dhammaadka Koobka Adduunka…
Cayaaraha

Morocco oo Markii ugu Horraysay ugu Gudubtay Wareegga 8 Dhammaadka Koobka Adduunka…

by Raad Raac December 7, 2022 1300 0 Comment

AA

Xulalka Morocco Iyo Spain ayaa soo bandhigay mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan koobka adduunka sanadkan kadib markii ay isku haleeleen wareega 16-ka koobka adduunka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag o ay labada xul isugu jawaabayeen fursado isla markaas xul walba doonayay in uu ku hor maro goolka furitaanka.

Xulka Morocco ayaa adeegsanayay weeraro rogaal celis ah xilli uu xulka Spain maamulayay ciyaarta isla markaas kubada haystay inta badan ee ciyaarta.

Morocco ayaa dar-dar badnaa iyaga oo marar badan ku dhawaaday in ay Spain ka dhaliyaan goolal xilli Xulka Spain ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafaca Xulka Morocco.

Kadib dedaal ay sameeyeen xiddigaha labada xul waxa ay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay labadooduba fursdo fiican heleen.

Xulko Morocco ayaa ahaa mid helay fursadaha ugu badan ee halista ah iyaga oo laba jeer ku dhawaaday inay hogaanka u qabtaan ciyaarta laakiin iska khasaariyay fursado fiican.

Dhinaca kale xulka Spain ayaa helay hal fursad oo kaliya inkasta oo ay ahaayeen xulka inta badan ciyaarta maamulayay isla markaas kubada haystay.

Kadib markii ay ku kala bixi waayeen waxa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah si ay midkood guul u gaadho uguna gudubto wareega xiga ee tartanka.

Labada xul ayaa wax goolal ah kala dhalin waayay waxana la isla tagay rikoodheyaal ama gool ku laad si midkood u badiyo.

Gool-hayaha Morocco ayaa qabtay ama badbaadiyay 3-dii rikoodhe ee ugu horeeyay ee xulka Spain xilli ay xiddigaha Morocco dhaliyeen 3 ka mid ah 4-tii rikoodhe ee ay heleen.

Xuka Morocco ayaa rikoodhayaal kaga badiyay xulka Spain kadib markii Goolhayaha Morocco noqday Geesiga Xulkiisa isla markaas qabtay 3-dii rikoodhe ee ugu horeeyay ee xulka Spain.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 26

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.