GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Mohammed Kudus Iyo Man United
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo daaha dabadiisa ah la yeelatay Mohammed Kudus, iyadoo Red Devils ay ka fiirsaneyso inay dalab u dirto weeraryahanka Ajax bishaan.
Kooxda United ayaa ka shaqeyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, maadaama Cristiano Ronaldo uu ka tagay dhamaadkii bishii November taasoo ka dhigtay inay fursad u helaan in afka hore iska xoojiyaan .]
Mustaqbalka Kudus ayaa la hadal hayay todobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo kooxo badan la sheegay inay xiiseynayaan saxiixa 22 jirkaan inta suuqa jiilaalka furan yahay.
Sida laga soo xigtay 90min, Man United ayaa haatan raadineysa inay u dhaqaaqdo xiddiga heerka caalami ee dalka Ghana, kaasoo si weyn u yaqaana tababaraha Red Devils Erik ten Hag ka dib markii ay isla joogeen Amsterdam.
Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Premier League aysan weli bixin dalab rasmi ah, laakiin waxaa jiray wadahadalo ku saabsan suurtogalnimada bisha Janaayo inay u dhaqaaqaan weeraryahankaan boosaska kala duwan ka ciyaari kara .
Red Devils ayaa la tibaaxayaa inay sahamineyso inay suurtagal tahay in ay amaah kula soo saxiixato Kudus inta ka harsan xilli ciyaareedka,iyadoo uu jirayo doorasho ah in ugu dambeyn xagaaga wada iibsan karaan .
Weeraryahanka ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaadanaya Ajax intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2022-23, isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana uu isku diiwaan geliyay labo caawin 21 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Everton ayaa ku dhawaatay inay la soo wareegto Kudus suuqii xagaagii hore, halka Liverpool iyo Newcastle United ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya.