GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Micnaha Ka Danbeeya Xariga Cas Ee Lionel Messi Uu Lugta Ku Xirtay Oo La Sharaxay…
Lionel Messi ayaa lugta ku xirtay xarig casaan ah oo uu u arko inay tahay nasiib wanaag isagoo wadankiisa u qaaday Koobka Adduunka markii ugu horeysay muddo 36 sannadood ah.
Koobkii Adduunka ee Ruushka lagu qabtay sannadkii 2018, Joornaaliistaha reer Argentina Rama Pantarotto ayaa siiyay Messi xariga xasaan ah ka dib markii uu halyeeyga Barcelona seegay rigoore kulankii Iceland. Wuxuu u sheegay in xariga ay iska leedahay hooyadiis.
“Hooyadeey waxay ku jeceshahay in ka badan inta ay aniga i jeceshahay, waxaan sitaa xarigeeda casaanka si uu nasiib wanaag iigu noqdo, haddii aad rabto waan ku siin karaa” ayuu joornaaliistaha ku yiri waqtigaas Lionel Messi.
Panaretto ayaa mooday in kastoo Messi uu aqbalay inuu iska tuuri doono. Laakiin wuxuu farxad markii uu arkay Messi oo lugta ku xirtay ka dib goolkii uu ka dhaliyay Nigeria kulankii ugu danbeeyay ee wareega guruubyada. Hooyo… Messi wuu xirtay” ayuu ku qeyliyay Pantarotto oo muuqaal ka duubayay hooyadiis markii uu arkay Messi oo xiran xariga casaanka ah.