Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Messi Oo Kordhiyay Qandaraaska Uu Kula Joogo Kooxda PSG…
 Messi Oo Kordhiyay Qandaraaska Uu Kula Joogo Kooxda PSG…
Cayaaraha Wararka

Messi Oo Kordhiyay Qandaraaska Uu Kula Joogo Kooxda PSG…

by Raad Raac December 23, 2022 7 0 Comment

AA

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka ee Lionel Messi ayaa heshiis la gaaray Paris St Germain, si uu kooxda ula sii joogo ugu yaraan xilli ciyaareedka 2023-24, sida ay qortay jariidada Faransiiska ee Le Parisien Arbacadii.

35 jirkaan weerarka ka ciyaara oo toddoba jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, ayaa Argentina ka caawiyay inay qaadaan Koobka Adduunka, iyagoo rigoorayaal ku garaacay France ciyaartii kama-dambeysta aheyd Axaddii.

Horraantii December, bartamaha Koobka Adduunka, waxaa la gaaray heshiis (Messi) inuu sii joogo ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo dheeri ah. ayuu yiri wargeyska Le Parisien.

PSG dhinaceeda wax faah-faahin ah kama bixin warkan.

Guddoomiyaha Paris St Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay bishan in Messi uu ku faraxsan yahay kooxda heysata horyaalka Ligue 1, isagoo intaa ku daray in wadahadallada qandaraas kordhinta la sameyn doono kadib Koobka Adduunka.

Messi oo 12 gool iyo 14 caawin u sameeyay kooxdiisa PSG tartamada oo dhan xili ciyaareedkan ayaa caasimadda France uga soo dhaqaaqay Barcelona sanadkii 2021, isagoo u saxiixay heshiis labo sano ah.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.