Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Maxay Tahay Shirkadda Ceelasha Shidaalka Heshay Ee Ka Careysiisay Dowladda Soomaaliya?
 Maxay Tahay Shirkadda Ceelasha Shidaalka Heshay Ee Ka Careysiisay Dowladda Soomaaliya?
Wararka

Maxay Tahay Shirkadda Ceelasha Shidaalka Heshay Ee Ka Careysiisay Dowladda Soomaaliya?

by Raad Raac January 1, 2023 5 0 Comment

AA

Arrintan waxay na siineysaa xog aan la kaashanno qorshaheenna ku aaddan shaqada

Dowladda Soomaaliya ayaa si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen masโ€™uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Arbacadii ayey Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah. oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahminta ay shirkaddaas waddo.

Wasaaradda Batroolka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in ay iyada keliya tahay hayโ€™adda sida sharciga ah u oggolaan karta howlo laga fuliyo gudaha Soomaaliya

Fasax kasta oo loo bixiyo si aan waafaqsaneyn shuruucda Soomaaliya iyo xeerarka waa mid sharci darro ah waxaana loo arkayaa in uusan waxba ka jirin. ย ayey tiri wasaaradda.

Dhanka kale wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland ayaa kasoo jawaabtay hadalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed maalintii Khamiista kasoo baxay Wasaaraddan oo lagu naqdinayay warka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “cid aan Somaliland ahayn aysan bixin karin shatiga oggolaanaya howlo sahmin ah oo laga sameeyo Somaliland gudaheeda.

Labada dhinac ayaa u muuqda in uu khilaaf waji cusub leh soo kala dhex galay, iyadoo horay ay u jireen xiisado siyaasadeed oo ka dhaxeeyay.

Maxay tahay Genel Energy?

Genel waa shirkad madax bannaan oo si gaar ah loo leeyahay, taasoo ka shaqeysa sahminta iyo soo saaridda shidaalka.

Boggeeda internet-ka ayey ku sheegtay in ay diiradda saarto wax soo saarta qiimaha raqiiska ah ku baxo ee lasii kordhiyo, kaasoo ka caawinaya sidii ay fursado u abuuri lahayd heer sarena uga gaari lahayd suuqyada caalamka.

Shirkaddan, oo saldhiggeedu yahay magaalada London ayaa ku jirta liiska shirkadaha saamiga suuqa ee London.

Sanadkii 2012-kii ayey liiskeeda waddamada ay sahminta ka sameyso ku soo dartay Somaliland.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey heshiis wadashaqeyn ah la saxiixatay hayโ€™adda OPIC Somaliland si ay shaqo sahmin ah uga fuliso deegaanno ka tirsan Somaliland oo ku yaalla xadka Itoobiya, sida ay ku caddeysay boggeeda internet-ka.

Dabayaaqadii sannadkii 2021 ayay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland barteeda Facebook soo dhigtay qoraal ay ku shaacisay heshiis ay la gashay Shirkaddaha Genel Energy iyo Opic Somaliland Corporation (OSC) .

Horaantii bishan ayey shirkadda Genel sheegtay in ay soo gabogabeysay daraasad indho-indheyn ah oo ay ka wadday Somaliand.

Arrintan waxay na siineysaa xog aan la kaashanno qorshaheenna ku aaddan shaqada ugu muhiimsan ee dhinaca farsamada, taasoo billaaban doonta sanadka cusub,โ€ ayey 15-kii bishan December kusoo qortay boggeeda Twitter-ka.

Horay waxa ay Genel howlo noocan ah uga soo fulisay dalalka Uganda, Kenya, iyadoo ceelal shidaal oo aad u waaweyn ka heshay waddamada Mozambique iyo Tanzania, taasoo sababtay in ay howsheeda daneeyaan dalal kale oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Bishii October, Soomaaliya waxa ay heshiis shidaal sahmin ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay fadhigeedu yahay dalka Mareykanka, taasoo baaritaan ku sameyn doonta ilaa toddobo goobood oo ku yaalla meelo ka ku dhow xeebaha.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.