Rasomit Rasomit

Breaking News

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎd

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO QABSADAY DEEGAAN HOOS YIMAADO MAGAALADDA BALADWEYNE

  1. Home
  2. Wararka
  3. Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Putin Xilkii Uga Qaaday Taliyihii Ciidamdiisa Ee Ukraine?
 Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Putin Xilkii Uga Qaaday Taliyihii Ciidamdiisa Ee Ukraine?
Wararka

Maxay Tahay Sababta Madaxweyne Putin Xilkii Uga Qaaday Taliyihii Ciidamdiisa Ee Ukraine?

by Raad Raac January 12, 2023 4 0 Comment

AA

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa xilkii ka xayuubiyay taliyihii ugu sareeyay ciidamada Ruushka ee dalka Ukraine saddex bilood uun kadib markii xilkaas loo agacaabay .

Taliyaha guud ee ciidamada General Valery Gerasimov ayaa hadda hoggaamin doona waxa uu Mr Putin ku tilmaamay “howlgal milatari oo gaar ah”.

Gen Gerasimov ayaa bedelay Sergei Surovikin kaas oo kormeeray weeraradii arxan darada ahaa ee dhawaan lagu qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

Isku shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ruushku uu sheegay in ay horumar ka samaynayaan bariga Ukraine ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay la kulmeen guuldarooyin is daba joog ah oo militari.

Ruushka ayaa duulaanka ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo sanadkii la soo dhaafay. Gen Gerasimov, oo xilka hayay tan iyo 2012, ayaa ah madaxa guud ee Ruushka ee ugu waqtiga dheeraa xilligii Soviet-ka kadib.

Gen Surovikin – oo hadda ku xigeenkiisa ah – ayaa loogu magac daray “General Armageddoon” sababtoo ah xeeladihiisa arxan darada ah ee dagaaladii hore, oo ay ku jiraan hawlgallada Ruushka ee Suuriya iyo duqaymaha culus ee magaalada Xalab ay ka gaysteen.

Wax yar ka dib markii loo magacaabay inuu hogaamiyo hawlgalka bishii Oktoobar, Ruushku wuxuu bilaabay ololihiisa uu ku burburinayo kaabayaasha tamarta ee Ukraine, taasoo horseeday in malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ah ay waayaan adeegyada koronto iyo biyaha.

Waxa uu sidoo kale kormeeray ka bixitaanka Ruushka ee magaalada koonfureed ee Kherson โ€“ taasi oo noqtay guul weyn oo u soo hoyatay Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in goโ€™aanka lagu beddelay Gen Surovikin looga golleeyahay in la abaabulo “xiriir dhow oo dhexmara qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo horumarinta tayada iyo waxtarka maamulka ciidamada Ruushka”.

Balse tallaabadan ayaa dadka qaar ay u arkeen inay muujineyso inuu awood badan yeeshay.

“Maadaama uu yahay taliyaha ciidamada ee Ukraine, Surovikin waxa uu noqday mid aad u awood badan, waxaana ay u badan tahay in uu hareer maray [Wasiirka Difaaca Ruushka Sergei] ,” Falanqeeyaha arrimaha militariga Rob Lee ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka

Qaar ka mid ah dadka wax ka qora milateriga Ruushka ee sida aadka ah u taageera dagaalka balse si joogta ah u dhaleeceeya qaabka uu dagaalka u socdo ayaa si weyn u dhaleeceeyay hoggaanka ciidamada Ruushka oo uu ku jiro madaxa cusub ee howlgalka gaarka ah Gen Gerasimov.

Ku dhawaaqistiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dagaalku ka socdo Soledar.

Kala duwanaanshaha muuqda ee sheekada rasmiga ah ee Ruushka ee ku xeeran dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee agagaarka Soledar ayaa si maldahan u ah kala qaybsanaanta hoggaanka millatariga dalka, gaar ahaan kooxda Wagner iyo wasaaradda gaashaandhigga.

ย Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyay in Soledar looga guulaystay

ย “Dawladda argagixisada ah iyo dadka dacaayadaha beenta ah wada waxay isku dayayaan inay iska dhigaan” inay guulo ka gaareen Soledar, Mr Zelensky ayaa khudbadiisa habeelaha ah ku sheegay Arbacadii, “laakin dagaalku wuu sii socdaa”.

ย “Waxaan sameynaa wax walba, anagoo aan joojin hal maalin, si aan u xoojino difaaca Ukraine. Awoodeena ayaa sii kordheysa,” ayuu raaciyay.

Shirkadda Maxar ee Tiknoolojiyadda ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa daabacday sawirrada Soledar bilihii Ogosto iyo horraantii Janaayo, taasoo muujineysa baaxadda burburka dagaalladii dhowaan dhacay.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 20

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Wararka

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta degaanka Beer-xaanno oo dhaca

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.