Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan..
 Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan..
Wararka

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan..

by Raad Raac December 12, 2022 8 0 Comment

AA

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Sacaduudi Carabiya ayaa la kulmay Ra’isul Wasaaraha Sacuudiga, ahna dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadaleen ‘iskashiga iyo xoojinta’ xiriirka labada dal.

‘Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada kulankaas kadib.

Bayaanka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu “uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan ay sidoo kale ka hadleen ‘xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.