MAXAAD KALA SOCOTAA SAXIIXYADDA LASAMEEYAY SUUQA JANUARY.
Suuqa kala iibsiga January ayaa ka furmay dhamaan horyaalada Yurub, gaar ahaan shanta horyaal ee ugu waa weyn ayaa la filayaa in ay si weyn uga dhex muuqdaan suuqa january.
Warbixintan, waxaan ku eegaynaa tobanka heshiis ee ugu qaalisan ee ay kooxaha waaweyn suuqa kala iibsiga January.
Ku biiristii xiddiga Philippe Coutinho ku biiray Barcelona ayaa ah saxiixa ugu qaalisan suuqa January ilaa haatan kadib markii ay Barca ka bixisay xiddiga reer Brazil 135 milyan oo euro.
Waxa ku xiga xiddiga Virgil Van Dijk kaas oo Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 85 miltan oo euro.
Waxa ku xiga xiddiga reer Serbia ee Vlahovic kaas oo Juventus ku biiray suuqa January kagana biiray kooxda Fiorentina iyada oo kooxda marwada duqda ah ka bixisay xiddiga lacag dhan 82 milyan oo euro.
Waxa ku xiga xiddiga Aymeric Laporte kaas oo Man City kaag soo biiray kooxda Athletic Bilbao uguna biiray lacag dhan 65 milyan oo euro.
Waxa ku xiga xiddiga Christian Polisic kaas oo Chelsea ugu biiray lacag dhan 64 milyan oo euro kagana biiray kooxda Borussia Dortmund.
Xiddiga Aubameyang oo 63.8 milyan ugu biiray Arsenal kagana biiray kooxda Dortmund ayaa ku xiga kana mid ah xiddigaha ugu qaalisan suuqa January.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandez kaas oo 63 milyan ugaga biiray kooxda Sporting Lisbon.
Waxa ku xiga xiddiga Diego Costa kaas oo lacag dhan 60 milyan ugu biiray chelsea ugana biiray kooxda Atletico Madrid.