Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. MAXAAD KALA SOCOTAA SAXIIXYADA SUUQA JANUARY
 MAXAAD KALA SOCOTAA SAXIIXYADA SUUQA JANUARY
Cayaaraha

MAXAAD KALA SOCOTAA SAXIIXYADA SUUQA JANUARY

by Fitaah Diinle January 6, 2023 16 0 Comment

AA

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January iyada oo durba suuqu marayo meel xiiso leh inkasta oo uu haatan furmay.

Kooxaha kala duwan ayaa isku diyaarinaya in ay sameeyaan saxiixyo ay doonayaan in ay ku xojiyaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sidoo kale waxa jira xiddigo doonaya in ay ka tagaan kooxohooda haatan kuna biiraan kooxo ay si joogto ah ugu ciyaari karaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba somit.com ayaa sidii caadada ahayd halkan idiinku soo gudbin doonta saxiix kasta oo dhaca oo ay sameeyaan kooxaha waaweyn ee yurub.

Halkan si joogto ah ugala soco saxiix kasta oo dhaca inta uu furanyahay suuqa Janauary:

Jack Butland -> Man United:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Jack Butland kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Crystal Palace.

Man United ayaa Jack Butland kula soo wareegtay heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan socda.

Goolhayaha 29 jirka ah ayaa badalay Martin Dúbravka kaas oo ka tagay kooxda kadib markii uu 6 bilood ku qaatay kooxda Man United.

 

Daley a -> Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Daley Blind.

Daley Blind Ayaa ka tagay kooxda Ajax kadib markii la kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda maalmo yar ka hor.

Bayern Munich ayaa Daley Blind ka saxiixatay heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah isaga oo qaa xor ah ugu biiray.

Kooxda Bayern Munich ayaa u dhaqaaqday saxiixa Daley Blind kadib markii la xaqiijiyay in uu dhaawac xilli ciyaareedka ah soo gaadhay xiddiga Lucas Hernandez.

Benoît Badiashile -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Benoît Badiashile kaas oo ay kala soo wareegeen Monaco.

Benoît Badiashile ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay shaaciso kooxda chelsea tan ilaa markii uu furmay suuqa kala iibsiga January.

Chelsea ayaa shaacisay in uu xiddiga Benoît Badiashile qalinka ku duugay heshiis 7 sano iyo ah oo uu kooxda ku joogi doono.

Cristiano Ronaldo ayaa heshiis u saxiixay kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al Nassr, sida ay ilo ku dhow kooxda u sheegeen CBS Sports.

Talaabadan ayaa soo afjaraysa xirfadiisa heerka sare ee uu ka soo ciyaaray Qaarada yurub kadib markii uu Ronaldo qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan magaalada Riyadh.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wada-xaajoodyada ayaa sheegaya in Ronaldo uu hore u dhammaystiray qaybaha caafimaad ee lagama maarmaanka u ah inuu saxiixo qandaraaskiisa halka tijaabada labaadna la filayo in la sameeyo toddobaadka soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa Dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Cody Gakpo sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Liverpool aya saacado gudohood ku dhamaystirtay saxiia xiddiga Gakpo kaas oo ay ka dhigayso saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.

Gakpo ayaa qalinka ku duugaya heshiis wakhti fog ah waxana uu maalmaha soo socda u duuli doonaa England si uu u dhamaystiro heshiiska.

David Datro Fofana -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga David Datro Fofana kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Molde sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano.

Fofana ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda chelsea si Rasmi ah u dhamaystirtay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga January.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda chelsea waxana uu haatan qalinka ku duugayaa heshiiska uu ugu biirayo Blues.

 

Endrick -> Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix cusub ka hor furitaanka suuqa January ee ay labada todobaad inaga xigaan.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Endrick kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Palmeiras.

Real Madrid ayaa xiddiga Endrick ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo 8 sano ah isla markaas kooxda joogi doona ilaa xagaaga 2030.

Christopher Nkunku -> Chelsea

Kooxda chelsea ayaan wakhti iska lumin waxana ay samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga Bisha January.

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Xiddiga reer France ayaa noqon doona xiddig Chelsea ah marka la gaadho bisha July ee sanadka 2023 kadib markii wax walba la dhamaystiray.

Xiddiga Christopher Nkunku ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sii joogi doona kooxdiisa haatan maadama heshiiska lagu daray in amaah loogu diro kooxdiisa haatan.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 65

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.