MAXAAD KALA SOCOTAA CIYAARYAHAAN SEEGAY KULANKII MANCHESTER CITY IYO CHELSEA SABABTA KA DAMBEYSAY
Chelsea ayaa daaha ka qaaday in Pierre-Emerick Aubameyang uu kulankii Man City ee FA Cup-ka ku seegay dhaawac yar oo soo gaadhay xiddiga.
Xiddiga 33 jirka ah ayaa ka maqnaa shaxda chelsea kulankii Man City ee FA Cup-yada iyada oo taageerayaashu si waydiinayeen sababta.
Aubameyang ayaa badalay Sterling 5 daqiiqo markii ay socotay kulankii Prmeier League ee ay la ciyaareen Man City todobaadkii hore laakiin waxa la badalay qaybtii Nasashada.
Aubameyang ayaa kaliya 3 gool iyo hal caawin sameeyay 16 kulan oo uu u saftay Blues tan iyo markii uu suuqii xagaaga yimid isaga oo ku soo bilawday dhamaan lixdii kulan ee uu ciyaaray Champions League laakiin 4 kulan ku bilowday premier League.
Xiddiga reer Gabon ayaa si weyn uga xanaaqay in la badalo kulankii Man City ee premier League waxana la hadal hayay in loo saaray sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa xun.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Aubameyang ayaa haatan ku biiray Liiska dhaawacyada ee kooxda chelsea sii badanaya taas oo keentay in uu seego kulankii FA Cup-ka ee Man City.