Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MAXAA KEENAY IN DHALINYARADA SOMALIYEED SHAQO LA AAN NOQDAAN
 MAXAA KEENAY IN DHALINYARADA SOMALIYEED SHAQO LA AAN NOQDAAN
Wararka

MAXAA KEENAY IN DHALINYARADA SOMALIYEED SHAQO LA AAN NOQDAAN

by Fitaah Diinle January 23, 2023 9 0 Comment

AA

Xoogga Soomaaliya waa dhalinyaro, kuwaas oo tirada guud ee bulshada ka ah 75% laakiin baaga-muudada haysatana kama yara isla cabirkaas.

 

Shaqo laโ€™aanta ka jirta Soomaaliya waxay dalka dhaxal-siisay inay dhalinyaro badan u dhaqaaqan dhanka Al-Shabaab oo ay ku qancaan fikrada dad laynta.

 

Qaar iyaga oo nolol iyo shaqo raadinaya ayey badaha ku dhamaadeen, qaarna isticmaalka daroogada ayay wehel ka dhigteen si ay daruufta shaqo laโ€™aanta keentay fasax uga qaatan.

 

Dowladihii isaga dambeeyay xukunka Soomaaliya burburkii kadib midna kuma guuleysan inay keento fikrad shaqo abuur u noqon karta ugu yaraan afar meelood meel kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

Shaqo laโ€™aantu waxay qeyb ka tahay waxyabaha xoojinaya xasillooni darada ka jirta dalka.

 

Dhowr sanno ka hor gaadiidka Bajaajta ayaa kusoo biiray suuqyada Soomaaliya, waxay fursad shaqo u noqotay dhalinyaro badan.

 

Magaalada Muqdisho illaa 50 kun ayaa lagu qiyaasa dhalinyarada maanta ku xamaalata bajaajta. Markii ay timid fursadan dhalinyaro badan ayaa isaga soo baxay Al-Shabaab, kuwa ayaa daroogadii ka tagay, qaarna fikradii tahriibka ayay iska saareen iyaga oo aaminay in bajaajta xal u tahay shaqo laโ€™aantooda.

 

 

 

 

Wax badan ayay mootooyinkan ka badaleen nolosha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda degan. Laakiin dhowrkii sanno ee ugu dambeysay askarta dowladda Soomaaliya waxay qaadeen tallaabooyin burburin kara shaqo abuurkan ay dadku iskood u sameysteen.

 

Waa dil, dhac iyo musuq-maasuq joogto ah oo lagula kaco dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta.

 

Shalay wiil dhalinyaro ah oo darawal bajaaj ah oo hooyadiis iyo walaashiis ay la socdaan ayaa askari ka tirsan dowladda waxa uu ku toogtay isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dhaqankan oo muddo soo jiray wuxuu jidgooyo ku sameynaya shaqo abuurkan ay dadweynaha sameysteen.

 

Dowladdu in aanay shaqo abuur keeni karin, tii ay shacabka keensadayna ay difaaci karin waa nasiib darro weyn.

 

Maamulka gobolka Banaadir oo durba fashilkiisa uu muuqdo ayaa illaa hadda hayn wax aragti ah oo ciidanka dowladda looga difaaci karo shacabka, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqeysata mootada bajaajta.

 

Askartii hore u dishay dhalinyarada bajaajta badankood lama ciqaabin, qaar si qoys ah ayaa loo xaliyay, kiisaska qaarna dilaayaashii ayaa la sheegay inay baxsadeen.

 

Dibad-bax ayey dadweynaha shalay uga jawaabeen dilka wiilkaas dhalinyarada ah, laakiin ciidanka dowladda ee ku sugan isgoyska Howl-Wadaag ayaa rasaas uga jawaabay kacdoonka shacabka, taasi oo iyaduna dhalisay khasaare kale oo dhimasho ah.

 

Dowladda Soomaaliya waxaa laga raba inay xal u keento dhibaatada lagu hayo dhalinyarada shaqo abuurka sameysatay, cadaalada oo la dabaqo iyo dhaqanka ciidanka dowladda oo wax laga badalo ayay dadka badi u arkaan xalka arrintaan.

 

Inay arrintan sii socoto waxay caqabad ku tahay dhalinyarada, shaqo abuurka, amniga iyo biniโ€™aadannimada.

 

Haddii ay istaagto ku shaqeynta mootooyinkan, dowladduna ay xal u helin dhalinyarada waxa xigi doona uma qurxoona mustaqbalka Soomaaliya.

 

Dadweynuhu waxay ku baaqayaan in dowladda arrintan si dhab ah u qaadato oo xal deg deg ah u keento

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.