MASUULIYIINTA DEEGAANKA SIDAAMA AYAA KULAN YEESHAY MAANTA
Masuuliyiinta sarsare iyo kuwa dhexe ee Deegaanka Sidaama ayaa yeeshay kulan wadatashi ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladaha guud ee dalka iyo Deegaanka Sidaama.
Waxaaana kulanka si rasmi ah u furay qodobada wadahadalkana soo dhigay Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka Mudane Tagase Jaafo iyo Madaxweynaha Deegaanka Sidaamo Dasta Leedamo.
Kulankani wadatashiga ah ayaa laga filayaa in lagasoo saaro heshiisyo iyo go’aanno guud oo ka hadlaya xaaladaha wakhti xaadirkani ka taagan Deegaanka Sidaama iyo guud ahaan dalka.
Sida oo kale, go’aannada kasoo bixi doona kulanka ayaa la filayaa in ay noqon doonaan kuwa sii xoojin kara wadanoolaanshaha iyo walaaltinnimada guud ahaan qoomiyadaha dalka. Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa xaqiijiyay amase ballanqaaday in ay taageero buuxda u hayaan hirgelinta heshiiska nabadeed ee dalka ka hanaqaaday iyo isbaddelka guud ee dalka.