GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MASUULIYIIN KA SOCOTAY HAAYADDA NIS FOUNDATION OO KULAN LA QAADATAY WASIIRKA CIYAARAHA DFS
Masuuliyiin ka socday Hay’adda NIS Foundation oo taageerada dibadda u qaabilsan Boqortooyada Norway ayaa wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Saacid Maxamed Xasan iyo saraakiil kale oo wasaaradda ah usoo bandhigay wejiga labaad ee garoonka Stadium Muqdisho iyo dhinacyada uu qabyada ka ahaa ee aan wejigii hore ku jirin sida xayndaabka u dhaxeeya kooxaha ciyaaraya iyo taageerayaasha, iyo qaybta lagu ordo oo aan la dhigin agabkii loogu talo galay.
Hay’adda NIS oo lahayd qaybta ugu badan ee wejigii hore ee garoonka ayaa wasiirka la wadaagay siday diyaarka ugu yihiin in ay qaybta labaad iyo dayactirka garoomada kale ee dalka kala qayb galaan wasaaradda, iyadoo hadda gacanta lagu hayo qorshe ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS iyo Hay’adda NIS.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay kormeero kala duwan ku sameeyay garoomada dalka ee Muqdisho iyo gobollada qaarkood ku yaala si dayactir loogu sameeyo