MASUULIYIIN HEER DEEGAAN AH OO BOOQDAY MASHRUUCA BAYAXOW.
Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim weheliyayna guddoomiyaha gobolka Shabeelle Mudane Aadan Axmed Sooyaan ayaa booqday mashruuca Bayaxow.
Mashruucan oo loogu talo’galay in dib-u-dajin loogu sameeyo barakacayaasha ayaa masuliiyiintantu kormeer indho’indhayn ah kusoo mareen qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay mashruucu sida; xarumaha caafimaadka, waxbarashada iyo guryaha.