MASHRUUCA LLRP OO SHAQO ABUUR U SAMEEYAY 18 SHIRKADOOD
Mashruuca LLRP ayaa shaqo-abuur u sameeyay 18 shirkadood oo ka dhisan tuulooyinka hoostaga degmada Ceel-ogaadeen ee gobolka Qorraxey.
Shirkadahan oo uu mashruuca LLRP u sameeyay maalgalin iyo shaqo-abuur ayaa ka ganacsada raashinka iyo xoolaha, sida oo kale mashruuca ayaa ka qeybqaatay barnaamijka dalag iyo daryeel ee kor-u-qaadidda waxsoosaarka beeraha, waxaana uu beeraleyda tuulooyinka hoostaga degmada Ceel-ogaadeen siiyay iniinyaha dalagga beeraha.
Dhanka kale, mashruucan LLRP ayaa sameeyay 4 iskaashatooyinka kaydka iyo amaahda ah oo ka dhisan tuulooyinka degmada Ceel-ogaadeen. Mashruucan ayaa sida oo kale ka shaqeeya ilaalinta carro-guurka, kahortagga jeexjeexyada dhulka iyo qabashada biyaha xawliga ku socda ee dhulka joogiisu hooseeyo.