MASHRUUCA LAGA DHALINAAYO KORONTADA EE GOBALKA DOOLO AYAA MARAAYO (90/%)
Waxaa heer gabogabo ah (90%) maraya Mashruuca Korontada lagadhaliyo Tamarta Cadceeda (Solar System) ee Magaalada Daratoole ee Gobolka Doolo.
Mashruucan oo lagadhalinayo koronto awoodeedu dhantahay 720KW ayaa waxaa fulinaya Shirkad lagaleeyahay dalka Shiinaha. Waxaa sidookale Mashruucan laga wadaa Magaalooyinka Boqolmaayo, Higloley iyo Gaashaamo oo dhawaan labilaabidoono.
Mashaariicda korontada lagadhaliyo tamarta cadceeda, ayaa loogutalogalay goobaha ayna gaadhayn (Off grid) Korontada 24ka saac ee lagadhaliyo Biyaha (hydro-electric Power).
Mashruucan ayaa lafilayaa in lagusoo gabagabeeyo mudo laba bilood gudohood ah.