Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Maraykanka Oo Ka Hadlay Xukun Lagu Riday Duqa Magaalada Istanbul…
 Maraykanka Oo Ka Hadlay Xukun Lagu Riday Duqa Magaalada Istanbul…
Wararka

Maraykanka Oo Ka Hadlay Xukun Lagu Riday Duqa Magaalada Istanbul…

by Raad Raac December 17, 2022 27 0 Comment

AA

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay  inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,  kadib markii duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda.

Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

“Waxaan ku boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada ‘aflagaaddada’ oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood dadweyne.

Imamoglu ayaa lagu soo eedeeyey  aflagaaddeynta  mas’uul dowladeed kadib markii saraakiisha doorashada uu ugu yeeray  doqomo

Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo “codad laga shakisan yahay ah. kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.

Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray  doqomo.

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey  ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 19

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.