Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Manchester United Oo Weeraryahankii Dilaaga Ahaa Ee Ay Raadinaysay Ka Heshay Talyaaniga & Kooxaha Ku Qabsaday…
 Manchester United Oo Weeraryahankii Dilaaga Ahaa Ee Ay Raadinaysay Ka Heshay Talyaaniga & Kooxaha Ku Qabsaday…
Cayaaraha

Manchester United Oo Weeraryahankii Dilaaga Ahaa Ee Ay Raadinaysay Ka Heshay Talyaaniga & Kooxaha Ku Qabsaday…

by Raad Raac December 17, 2022 796 0 Comment

AA

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ku gaadhay in ay bisha January u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda kubadda cagta Juventus ee Dusan Vlahovic, iyadoo maalmo ka hor uu tababare Erik ten Hag shaaciyey in ay maalgelin badan samayn doonaan oo ay ciyaartooyo tayo leh soo iibsan doonaan.

Red Devils oo uu bishii hore ee November ka tegay Cristiano Ronaldo oo heshiiskiisa ay burburiyeen, waxay raadinayaan weeraryahan dhexe oo karti u leh dhalinta goolasha iyo inuu qayb ka qaato ciyaarta kooxda.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Talyaaniga ee Corriere dello Sport, Manchester United ayaa bartilmaameedkeeda ka dhigatay Vlahovic oo gool ka dhaliyey Koobkii Adduunka ee xulkiisa Serbia uu kaga hadhay wareeggii koowaad ee hormooyinka.

Vlahovic oo Juventus ay bishii January ee sannadkan horraantiisii ay kasoo iibsatay Fiorentina ayaa waxa la sheegay in ay Old Lady ku qasbanaan doonto inay iibiso kaddib baadhitaano lagu samaynayo xisaabaadka kooxda oo ay dhici karto la go’aamiyo in 22 jirkan la iibiyo sannad kaddib markii uu yimid Allianz Stadium.   Manchester United ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay qasnaddeeda u jabiso, hase yeeshee waxay tartan adag kala kulmi doonaa kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Paris Saint-Germain oo iyaguna doonaya inay la saxeexdaan.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.