MANCHESTER UNITED OO HESHAY CIYAARYAHAANKII U BADALI LAHAA CR7
Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Nassr si ay amaah ugula soo wareegto weeraryahankeeda Vincent Aboubakar.
Red Devils ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan dhexe oo cusub ka dib markii ay wayday xiddiga Cristiano Ronaldo dhamaadkii bilihii ugu dambeeyay sanadkii hore.
Xiddiga 37 jirka ah ee Cristiano Ronaldo ayaa ku biiray kooxda Al-Nassr kadib markii uu muddo bilaa koox ahaa.
Aboubakar, oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha Porto iyo Besiktas, ayaa ku jira 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Al-Nassr waxana ay u badantahaty in ayna heshiis cusub ka saxiixan doonin.
30 jirkan ayaa dhawaan kabtan u noqday xulka qaranka Cameroon koobka aduunka 2022 waxana uu gool xasuus leh ka dhaliyay kulankii uu xulkiisu garaacay Brazil.
Wararka dhawaanahan soo baxaya ayaa sheegaya in ay Man United Heegan u gashay helitaankiisa kaas oo lagu heli karo qaab amaah ah.
Al-Nassr ayaa doonaysa in ay iska dhinto xiddigaha aan u dhalan dalka Saudi Arabia si ay u diwaan galiso xiddiga Cristiano Ronaldo.
Sida laga soo xigtay OKAZ, Man United ayaa heshiis la gaadhay kooxda Al-Nassr si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga suuqa January.