MANCHESTER CITY OO NOQOTAY KOOXDII LABAAD EE AFAR KULAN OO XIDHIIDH AH KA BADISO CHELSEA
Kooxda Man City ayaa garaacday Chelsea kulan ka dhacay Stamford Brdige kana tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.
City ayaa ku garaacday gool uu dhaliyay xiddiga Riyad Mahrez kaas oo dhaliyay gool qaybtii dambe ee ciyaarta.
Chelsea ayaa guud ahaan ciyaarta ahayd kuwo ka fiican Man City laakiin ka faaโiidaysan waayay fursadadihii ay helayeen ciyaarta.
Kadib guusha Man City ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee taariikhda 4 kulan oo xidhiidh ah ka badisa kooxda chelsea tartamada oo dhan.
Kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysay ayaa ahayd Bolton kuwaas oo sidaas sameeyay intii u dhexaysay 1958 ilaa 1960.
Waxa intaas sii dheer in ay man City shabaqeeda ilaashatay dhamaan 4-ta kulan ee ay garaacday Chelsea tartamada oo dhan.