GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MAGAALADA HARAR WAXAA KA FURMAY SHIRKA KOMISHINADA BOOLISKA ASLUUBTA HEER FEDERAL IYO DEEGAANADA DALKA
Shirkan oo sannadkiiba laba jeer la qabto ayaa waxaa lagu eegaa waxqabadka uga qabsoomay qorshihii u yaallay iyo shaqooyinka dhanka dib-u-habaynta komishinka booliska asluubta ee dalka iyo guud ahaan deegaannada.
Komishinneerka Komishinka Booliska Asluubta ee JDFI Komishinneer Jenneraal Damane Daroota ayaa sheegay in dhanka dhaqancelinta maxaabiista laga qabtay shaqooyin door ballaadhan ka qaadanaya hawlaha dib-u-dhiska dalka, isaga oo intaasi raaciyay in isbaddel wax ku’ool ah laga sameeyay dhibatooyinka nidaamkii hore uga jiray booliska asluubta.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid dhammaan komishinneerrada komishinka booliska asluubta ee deegaannada dalka oo uu ka mid yahay Komishinneerka Komishinka Booliska Asluubta DDS Komishinneer Bashiir Axmed Xaashi.