Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO XARIGGA KA JARAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA
 MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO XARIGGA KA JARAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA
Wararka

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO XARIGGA KA JARAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA

by Fitaah Diinle December 29, 2022 18 0 Comment

AA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaci Cumar Geelle ayaa xarigga ka jaray Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga oo xarunteeda laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Jabuuti hirgelinta Akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga si jiilasha soo socda loogu keydiyo dhaqanka iyo taariikhda umaddooda Soomaaliyeed, laguna sii horumariyo afkeenna Soomaaliga ah.

“Af Soomaaligu waa xabagta isu haysa ummadda Soomaaliyeed. Waa diiwaanka keliya ee xanbaarsan dhaqanka, taariikhda iyo aqoonta dhaxalka ahee facba faca kale u soo gudbinayay. Waa summadda iyo baadisoocda aan kaga duwannahay quruumaha kale ee caalamka ku nool.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama maanta la hayo saldhiggii hagi lahaa suugaanta, afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay faaโ€™iidada ballaaran ee ugu jirta dhammaan dadka Soomaaliyeed hirgelinta akadeemiye-goboleedka Af Soomaaliga, waxa uuna tilmaamay dadaalka dowladdiisu ay ku bixisay dhismaheeda, maadaama ay xuddun u tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb galay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Mudane Aadam Barre Ducaale, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Xukuumadda

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 65

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.