Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO MUQDISHO KU SO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA DALKA JABUUTI.
 MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO MUQDISHO KU SO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA DALKA JABUUTI.
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO MUQDISHO KU SO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA DALKA JABUUTI.

by Fitaah Diinle December 28, 2022 20 0 Comment

AA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ee walaalaha ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Intaas kaddib, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu weheliyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gacan-qaaday Madaxda soo-dhaweynta ugu timid ee heer-dowlad goboleed iyo heer Federaal oo ay ka mid ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Kuxigeenkiisa, Wasiirro iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, boqollaal shacab ah ayaa ku sugnaa garoonka Aadan Cadde si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.