Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka Dib Markii Denmark Lagu Gubay Kitaabka Quraanka Ah…

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka…

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii Biyo Xidheenka Wabiga Nile

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka…
 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka…
Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka…

by Raad Raac December 14, 2022 7 0 Comment

AA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka

by Raad Raac January 28, 2023 0

Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya,

Wararka

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah

by Raad Raac January 28, 2023 0

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa shaacisay arrin halis ku ah shacabka Somaliland oo daawooyinka la

Wararka

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka

by Raad Raac January 28, 2023 6

Shirka Isimada Dhaqanka iyo guddiyo kale oo weheliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Laascaanood

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.