Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Mashaariicda JPLG-ga ee Berbera laga hirgeliyey…
 Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Mashaariicda JPLG-ga ee Berbera laga hirgeliyey…
Wararka

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Mashaariicda JPLG-ga ee Berbera laga hirgeliyey…

by Raad Raac December 22, 2022 6 0 Comment

AA

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa shalay  kormeeray Mashaariicda JPLG-ga ee ka socda Degmada Berbera ee sannadkan 2022 la fuliyey.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane  Seylici oo hoggaaminayey wefdi xukuumada ka tirsan iyo madaxa mashruuca JPLG-ga oo booqasho ku tegay magaalada Berbera ayaa kormeeray mashariicahii Dawladda Hoose Berbera fulisay 2021/2022.

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda hoose  ee Berbera ayaa warbixin ka siiyey wefdiga mashaariicdii ay  hirgeliyeen hannaanka maamul-daadejinta adeegyada bulshada, waxqabadkii ay fuliyeen sannadkan iyo  kii hore, iyo qorshayaasha sannadka 2023.

Maayerka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in wakhtiyadii hore Dawladaha Hoose aanay awood u heli jiirin kaabista adeegyada bulshada dhaqaale la’aan, laakiin muddooyinkii u dambeeyey wax badan ku taageereen Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Maayer Ciddin ayaa sheegay in Degmada Berbera diyaar u tahay inay adeegga waxbarashada 100% la wareegaan sannadka 2023 bilowgiisa.

Madaxweyne xigeenka Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca JPLG loogu tallogalay in lagu kobciyo awoodda waxqabad ee Dawladaha Hoose.

Wuxuu sheegay in ka hor intaan dhaqaale loo dhiibin Dawladaha Hoose la qorsheeyey in hawlwadeenadooda loo diyaariyo, aqoontoodana iyo qiyamkooda la dhiso dhinac walba si dhaqaalaha mustaqbalka ka iman doona xukuumadda, “waxaynu nahay dal dhaqaalahiisu kobcayo ama hay’adaha ay si fiican ugu maamulaan.”

Md. Saylici iyo maayerka Berbera ayaa dhagax-dhigay laba waddo oo cusub oo kala ah Waddada hormarta Telesom iyo dhismaha Waddada cusub ee xaafada Sabawanaag oo laga hirgelin doono magaalada Berbera.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 68

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.