Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Jaamacadda Cammuud ee Boorama…
 Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Jaamacadda Cammuud ee Boorama…
Wararka

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Jaamacadda Cammuud ee Boorama…

by Raad Raac December 19, 2022 5 0 Comment

AA

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal ayaa shalay soo kormeeray jaamacadda caanka ah ee Cammuud ee magaaladda Boorama.

Kormeerkaasi oo ay madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, iyo masuuliyiin kale oo weftigiisa ka mid ah iyo maamulka gobolka Awdal, waxa uu ku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee ay Jaamacadda CaMmuud ka kooban tahay.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo masuuliyiinta ku wehelinayay kormeerkaasi waxaa halkaa ku soo dhaweeyay maamulka jaamacadda Camuud, kuwaasoo uga warbixiyay hawlaha shaqo ee jaamacadda iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.

Cabdiraxmaan Saylici, oo ka hadlay kormeerkiisa ayaa sheegay in ay isaga sharaf u tahay inuu indhihiisa ku soo arko horumarka kala duwan ee jamaacadda Camuud ka socda, taasoo uu tilmaamay in ay nasiib u heleen dadka reer Boorama in ay magaaladoodda ku taallo.

Waxaanu yiydhi, “Sharaf bay ii tahay in aan soo gaadho Jaamacadda Camuud oo aan indhahayga ku arko horumarka balaadhan ee ka socda Jaamacadda Qaran ee Camuud, oo ay dadka reer Awdal nasiib u heleen in ay Boorama ku taalo tacab iyo fikir bada na ay waxgaradka iyo aqoonyahanku galiyeen aasaaskeedii, maanta na ay tahay mid aqoonyahan badan ee dalka wax ku bartay soo saartay”.

Geesta kale Cabdiraxmaan Saylici, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland in ay taageeraan horumarka waxbarashadda iyo jaamacadaha dalka ka hirgalay.

“Dhammaan shacabka reer Somaliland waxaan ku boorinayaa in ay ka qayb qaatan horumarka jaamacada, goobaha waxtarka leh ee u baahan in lagu horumariyo iskaashi” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.