MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB
MADAXWEYNE KU XIGEENKA JUBALAND OO KULAN LA QAATAY WAFDI KA SOCDA DALKA MAREEKANKA.
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Dowladda Maraykanka oo ay hogaamineysay Madam OZ oo ka socotay Safaaradda Mareykanka iyo Saraakiil Ciidan.
Socdaalka wafdigan ayaa daba-socday kulamo hore oo ku saabsan iskaashiga la dagaalanka Khawaarijta, Mashaariicda xasilinta, Arrimaha xalka waara iyo ka jawaabista Abaaraha.
Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.