MADAXWEYNE KU XIGEENKA GALMUDUG OO SHIR GUDOOMIYAY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA GOBALEEDKA GALMUDUG
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ,ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.
Dhinaca kale, Golaha wasiiradda ayaa cod aqlabiyad leh ku Ansixiyay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug.
Xubnaha Gudiga .
1- Xaliimo ismaciil ibraahim
2- Dr Yaasiin Cabdi Jaamac
3- Xersi Yuusuf Barre
4- Khaliif Axmed Gabow
5- Amiira Daahir Maxamed
6- Maxamed Cabdi Shardi
7- Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed