Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXWEYNAHA OO QORAAL KASOO SAARAY XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD.
 MADAXWEYNAHA OO QORAAL KASOO SAARAY XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD.
Wararka

MADAXWEYNAHA OO QORAAL KASOO SAARAY XAALADDA MAGAALADA LAASCAANOOD.

by Fitaah Diinle December 30, 2022 40 0 Comment

AA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo galabta kasoo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa caawa war Qoraal ah kasoo saaray xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo

Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.

Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto.

Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison)

Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya.

Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood.

Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.

Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.

Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland.

Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Waxaan markale ku celinayaa in Dawladda Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane , Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 68

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.