Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweynaha oo Kormeeray Xarumaha Diiwaangelinta Caasimada…
 Madaxweynaha oo Kormeeray Xarumaha Diiwaangelinta Caasimada…
Wararka

Madaxweynaha oo Kormeeray Xarumaha Diiwaangelinta Caasimada…

by Raad Raac December 29, 2022 5 0 Comment

AA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee degmooyinka caasimadda Hargeysa, taas oo si rasmi ah uga bilaabantay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maayarka caasimadda iyo ku-xigeenkiisa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo ku-xigeenkiisa, ayaa soo indho indheeyey goobaha ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu ka socoto, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo warbiximo ka dhegaystay masuuliyiinta komishanka qaranka u qaabilsan goobaha uu kormeeray.

Dadweynaha safafka ugu jirey isdiiwaangelinta, ayaa madaxweynaha sacab kusoo dhaweeyey, kuwaas oo ku faraxsanaa sida ay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga go’an tahay in diiwaangelinta codbixayaasha oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka.

Madaxweynaha oo markuu kormeerka soo dhammaystay hadal jeediyey ayaa ku bogaadiyey bulshada hanaanka ay ugu soo baxeen diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha isla markaana sheegay inay muwaadiniintu si habsami leh waajibkooda u gudanayeen, waxana uu yidhi,“Dadku aad iyo aad bay u abaabulnaayeen, waxayna muwaadiniintu gudanayeen masuuliyaddoodii ahayd inay qaataan kaadhka cod-bixinta ee talada dalka cidda hoggaaminaysa kaga qaybgelayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay cid kasta oo diiwaangelinta qayb ka ah, isaga oo ku tilmaamay Albaabkii u horreeyey ee dalka doorasho uuga suurogelaysay, isagoo yidhi, “Maanta (Shalay) waxa aynu taagannahay albaabkii ugu horreeyey ee doorashooyinka, waana in diiwaangelintaa la galo, dhammaan dhallinyarada ka shaqaynaysa diiwaangelintana waan u mahadnaqayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.