Rasomit Rasomit

Breaking News

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO QABSADAY DEEGAAN HOOS YIMAADO MAGAALADDA BALADWEYNE

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweynaha oo Baaq u Diray Bulshada Laascaanood…
 Madaxweynaha oo Baaq u Diray Bulshada Laascaanood…
Wararka

Madaxweynaha oo Baaq u Diray Bulshada Laascaanood…

by Raad Raac December 29, 2022 6 0 Comment

AA

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay habeen hore dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo dadkii kale maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay.

Waxuu sheegay in habeen hore nin dhalinyaro aqoonyahan ah marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi cadowga Somaliland ku dileen laascaanood, isla markaana ahayd dhacdo xun oo bulshada gobolka iyo guud ahaan Somaliland si weyn uuga damqadeen geeridiisa.

Waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa oo Somaliland, oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood shalay iyo habeen hore. Shalay waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno oo helno halka ay ka socoto.”

Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka reer laascaanood, dhalinyarada, waxgaradka inaanay fidmada cadowgu innagu soo dhextuuray, dhibaato ka badan aynaan isku gaadhsiin, isla markaana sheegay in dhexdeena oo dhibaato ka dhacdo aanay daweynayn ee midnimadeena daweynayso.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta xukuumadda gobolka Sool ku sugan iyo maamulka degmada Laascaanood ba ugu baaqay inay si degdeg ah uga hawgalaan sidii loo soo afjari lahaa dhibka Laascaanood ka taagan, xukuumadda iyo dadweynuhuna iyaga oo midaysan dhexda u xidhaan soo afjaridda beegsiga lagu hayo haldoorka reer Sool.

 

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 20

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Wararka

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta degaanka Beer-xaanno oo dhaca

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.