Rasomit Rasomit

Breaking News

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO QABSADAY DEEGAAN HOOS YIMAADO MAGAALADDA BALADWEYNE

  1. Home
  2. Wararka
  3. Madaxweynaha Mareykanka oo qaabilay Madaxweynaha Ukraine…
Wararka

Madaxweynaha Mareykanka oo qaabilay Madaxweynaha Ukraine…

by Raad Raac December 23, 2022 6 0 Comment

AA

Madaxweyne Biden ayaa Zelenskyy u xaqiijiyay in dalkiisa uu siin doono nidaamka difaaca hawada ee Patriot, oo qayb ka ah hal dhibic shan iyo sideetan bilyan oo dollar ($1.85bn) oo gargaar militari ah.
Volodymyr Zelenskyy, Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlayay Xafiiska Oval ayaa u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Mareykanka.
“Marka hore waad ku mahadsan tihiin taageeradiina, sharaf weyn bayna ii tahay inaan halkan jooggo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine.
Madaxweyne Biden ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu Ukraine u tababari doono ciidamo adeegsada gantaalada Patriot-ka, inkastoo sida uu sheegay ay tani waqti qaadan doonto.
“Nidaamkani wuxuu noqon doonnaa hanti u muhiim ah Ukraine, bacdamaa ay iska caabineyso duulaanka gardarada ah ee Ruushka.” Ayuu yiri Biden.
Biden ayaa yiri “Mareykanka waxaa ka go’an inuu xaqiijiyo in dadka geesiyaasha ah ee reer Ukraine ay sii wadi karaan inay dalkooda ka difaacaan duulaanka Ruushka, inta ay qaadanayso.”
Biden ayaa intaasi ku daray in Mareykanka iyo Ukraine-ba ay doonayeen in dagaalka lagu soo afjaro sida uu yiri aragtida ah Ukraine oo xor, amni iyo barwaaqo ah, balse aanu Madaxweyne Vladimir Putin doonayn joojinta colaadda.
Gantaalada Patriot-ka waxaa lagu tilmaamaa hannaanka difaaca hawada kan dunida ugu horumarsan, kaasoo awood u leh inuu soo rido gantaalada Cruise-ka, diyaaradaha dagaalka iyo noocyada kale gantaalada ee ay ku hubeysan yihiin Militariga Ruushka ee gudaha ugu jira dhulka Ukraine.
Waa markii ugu horreysay oo Mareykanku uu Patriot-kiisa gaynayo dalkaasi Ukraine, waana hubka uu Madaxweyne Zelenskyy ku qeexay mid gacan ka gaysan doono ka hortagga bartilmaameedyada uu Ruushku ku hayo kaabeyaasha dalkiisa.

 

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 20

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Wararka

CIIDAMADDA DEEGAANKA IYO KUWA XOOGA DALKA OO

by Fitaah Diinle February 1, 2023 11

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta degaanka Beer-xaanno oo dhaca

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.