Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE OO MUQDISHO KULA KULMAY ERGEYGA MIDOWGA AFRIKA U QAABILSAN SOMALIA
 MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE OO MUQDISHO KULA KULMAY ERGEYGA MIDOWGA AFRIKA U QAABILSAN SOMALIA
Wararka

MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE OO MUQDISHO KULA KULMAY ERGEYGA MIDOWGA AFRIKA U QAABILSAN SOMALIA

by Fitaah Diinle January 5, 2023 16 0 Comment

AA

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee looga ciribtirayo Khawaarijta alshabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka gudoomay dhambaal tacsi ah kadib qarixii shalay ee khawaarijtu ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa uuna dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa looga hadlay xoojinta doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, taageerada horumarineed iyo Nabadeynta deegaanada Hirshabeelle.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 19

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.