GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE OO HOSPITALKA ERDOGAN KU BOOQDAY DADKII KU WAX YEELOOBAY QARAXYADII KA DHACAY MAXAAS
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa caawa Cusbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Khawaarijtu ka fuliyeen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii geesiyaasha ahaa iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii khawaarijta, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Erdogan.
Madaxweynaha ayaa xusay in dagaaladii lala galay cadowga lagu jabiyay iyagoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda khawaaijta alshabaab.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo